(Sawirro) Saraakiil gaaray degmada Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Iyadoo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo horay ay gacanta ugu hayeen Ahlusuna balse ay la wareegeen Ciidamada dowladda ayaa waxaa gaaray Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta 21-aad Jen. C/casiis C/llaahi (Qooje), Taliyaha Guutada 15-aad Jen: Mascuud Maxamed oo uu wehliyo Agaasinka Nabadsugida gaarka ah ayaa gaarey Saldhiga Degmada Guriceel iyo goobo kale oo amaankooda ay la wareegeen Ciidamada dowlada.

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale iskugu soo baxay wadooyinka degmada Guriceel iyagoo la yaaban isbedelka ka dhacay Maamulka degmada oo dad badan lama filaan ku noqday.

Dhinaca kale, xaalada Magaalada Dhuusamareeb ayaa degan ka dib markii saaka ay xaruntii maamulka ka baxeen xoogagii ahlu suna, lana wareegeen ciidamada dowlada, waxaana socda kulamo u dhexeeya masuuliyiinta dowlada iyo madaxda Ahlu sunna oo hadda u muuqata in wax walba ay gacmahooda ka baxeen.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa lagu warramayaa inay ogolaadeen in wada xaajood lagu xalliyo rabitaankooda siyaasadeed kaddib markii ay xiriir deg deg ah la sameeyeen madaxda sare ee DF Somalia, sida aannu ku heleyno wararka.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maalinta berri ah uu halkaas gaari doono wafdi uu horkacayo Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ayna ka mid yihiin Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -