Geeridii Jeneraal Caydiid 22-sano kahor iyo sidii ay igu soo gaartey

31-dii July 1996 Galabnimadii waxaan soo daawaday ciyaar kubadda cagta ah oo  ka dhacday Garoonka Banaadir, waxaa  xiligas socdey koobka la yaabka lahaa ee lagu xayeysiinayey Sigaarka Sports-ka oo weli laga cabo Magaalada Muqdisho oo nooga yimaada Kenya oo ay shirkadda BAT sameyso.

Wax war ah ma hayn, cid aan Wareysteyna ma jirin, inta badan dadkana haddaan wax weydiin lahaa wax ima dhaamin, Casar liiqii ayaan ka imid Garoonka, waana  iska seexday markaan cishaha dukadey maadaama aan daalanaa, sida hadda oo kale ma jirin Bbc subaxdii la dhegeysto, laakiin aniga waxaa ii yiiley Radio Sony ah oo aan ka dhegeysan jirey Bbc-da qeybta debedda la hadasha ee World Service, waxaan daaray Raadiyaha anigoon qabin wax dareen ah 6:00-dii Subaxnimo waxaa soo gala Warka caadiga ah.

Durba waxaa lagu bilaabay geerida Jeberaal Caydiid, aniga oo ka fekeraya oo isweydiinaya warka runnimadiisa iyo beennimadiisa ayaa la bilaabey ka sheekeynta Taariikh nololeedka Jananka, waxaana ka faaloodey Weriye Bbc ka tirsan oo Neyjeeriya  fadhigiisu ahaa oo la yirahdo Jarles An-Ya-Guulu. (wxaan ka cudur daaranya hadaan si kale u qoray magaciisa) markaas ka horna ugu yaraan hal mar ayey Bbc-du sheegtay geerida Caydiid waxaana Magaalada ku batay hadalheynta Warkaas Beenta ah.

Waxaan markiiba isku boobay Qubeys si aan wax badan uga ogaado warka ay Bbc-du faafisay, waxaan degnaa Shiirkolo waxaan durba imid shirkada African Airweys oo ay aad ugu badnayreen Taageerayaasha Jeneraal Caydiid, Saa qofba ma joogto. Waan yaabay, waxaan isku samar siiyey waa xili hore oo dadku weli waa ay hurdaan, waan soo baxay oo waxaan soo aadey dhinaca Black sea.

Markaan Isgoyska soo gaarey ayaan arkay laba nin oo mid Farmashi meesha ku lahaa oo dhegta wax isugu sheegaya, si hoose ayaan u eegay, dareenkoodu caadi ma aheyn, oo waxa ka muuqatey wax xooga murugo ah, makaas ayaa waxaa i galay dareen ah in uu geeriyoodey Jeneraal Caydiid laakiin weli waxba ma hubo, hareeraha haddan fiiriyo ma jiraan dad socda si aan wax u weydiiyo.

Waan soo laabtay, waxaan kiciyey nin saaxiibkey ah oo sandaqad ku lahaa inta u dhexeysa daarta NBC iyo Black Sea, si an u weydiiyo inuu wax ka og yahay geerida Jananka iyo in kale, bariidin kadib, saxiibkey waxa uu yiri Mdane wax war ah oo aan hayo ma lahan. Waxan iri waa 6:30-kii ee Raadiyaha noo daar haddii ay wax jiran isaga aya noo sheegayee?  Waa uu iga aqbalay, waxaaba ku jira Muusigii Warka, waxaa lagu soo dhoweeyey Makarfoonka Faarax Lamaane si uu Warka u akhriyo, waxa uu ku bilaabay Geerida Jeneraal Caydiid, markaas ayaan istijaacsaney (Inaa lilaah wa inaa ileyhi raaajicuun) aniga iyo ninkii saaxiibkey ahaa oo aan rumeysanay geerida Jananka.

Waxaan ku soo laabtay jidkeygii siday ila aheyd aniga oo aan ogeyn meel aan ku socdo iyo meel an ka socdo, waxaa iga hor yimid Adeerkey oo siyasadda waagaas aad ula socdey, waxaan u sheegay geerida jeneraal Caydiid, waxa uu yi waan maqlay ee marka koowad Jananka Alaha u naxariisto, marka labadna “Qoom saaka naga kurba badan waxaa ka jira Qoomkii iyaga oo nool uu ka baxay Nebi Muxamed CSS”. Inta kadib waxaa bilowday sidii loo aasi lahaa Jananka, waxaana galabtii lagu aasay qabuuraha SOS ee Degmada Heliwaa, Janaasadiisa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan oo aad u khushuucsanaa, waxaa Iimaam ka ahaa Janaasada naxariistii Janno Allaha siiyee Skiikhii Ummadda Soomaliyeed Shiikh Maxamed Macalin Xasan.

WQ. CNaasir Xessi Iidle.

tel. 00252-615503978

Mail. naasirx1@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -