Xasan Sheekh oo ka hadlay Xiisada ka dhalatay Booqashadii Farmaajo ee Eritrea

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xiisada ka dhalatay Booqashadii uu Madxaweynaha Soomaaliya Farmaajo ku tagay dalka Eritrea oo colaad kala dhaxeyso dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa si weyn uga carootay Baaq Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo u jeediyay Qaramada Midoobay oo ku aadanaa in cunaqabateynta saaran laga qaado dalka Eritrea.

Jabuuti iyo Eritrea waxaa u dhaxeeya colaad dhinaca xadka ah, waxaana Dowlada Jabuuti si weyn uga niyad jabtay in Dowlada Soomaaliya ay garab is taagto dalka cadaawada kala dhaxeeyo ee Eritrea.

 

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Xasan Sheekh uga hadlay Xiisada ka dhalatay Booqashadii Farmaajo ee Eritrea

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -