Khilaaf Siyaasadeed oo ka taagan Garawe iyo Munaasabadii 1-da Agoosto oo baaqatay

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in caawa baaqatay xaflad lagu xusi lahaa  1-da Agoosto oo ku beegan markii la dhisay maamulka Puntland.

Magaalada Garawe ayaa caawa la filayay in ay ka dhacdo munaasabadan sida weyn loogu diyaar garoobay, hasa ahaatee Munaasabada ayaa si lama filaan ah u baaqatay kadib khilaaf soo kala dhax galay Madaxda Puntland iyo Wafdiga R/W Kheyre ee jooga Garawe

Maanta ilaa caawa magaalada Garawe waxaa ka socday shirar kala duwan oo looga arinsanayay khilaaf ka dhashay go’aankii Ra’isul Wasaatre Xasan Kheyre ku diiday in uu dhagax dhigo dhismaha Dekadad Garacad.

Madaxda maamulka Puntlnad ayaa si weyn uga caroopday arintan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaalada Garawe ka socday kulamo kala duwan oo xal loogu riidinayo khilaafka labada dhinac ka dhax aloosan.

Waxaa wali lasoo sheegayaa in uu taagan yahay khilaafka Madaxda Puntlnad iyo dowlada Federaalka, waxaana laga yaabaa in gabi ahaan ay baaqato munaasabada 1-da Agoosto oo sanad kasta xiligan oo kale si weyn loo xusi jiray.

Shaki ayaa sidoo kale la galinayaa in magaalada Garawe bari oo khamiis ah uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo horey loo shaaciyay in uu ka dhacayo magaalada Garawe.

baaqashada xuska 01-da Agoosto ayaa noqoneysa markii u horeysey iyada oo wax xiisad ah ama siyaasad iska soo horjeeda aysan Puntland ka jirin, iyada oo weliba uu Garoowe ku sugan yahay R.Wasaare Kheyre oo Garawe u yimid ka qeyb galka Munaasabadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -