Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay Masuuliyiin oo ka dhacay Buuhoodle

Qarax Ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa caawa Salaadii Maqrib kadib waxa uu ka dhacay magaalada Buuhoodle, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxan waxaa ku dhintay  C/fataax Maxamed Cali (Rodman) oo horay u soo noqday la Taliyaha Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid iyo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal.

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay in gaari ay saarnaayeen masuuliyiintan uu istaajiyay kadibna uu is qarxiyay , xubnahan qaraxa lagu weeraray ayaa kasoo baxay Masjid ay salaada maqrib kusoo dukadeen.

Qarax kadib ayaa magaalada Buuhoodle waxaa laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada amaanka, waxaana saameynta qaraxan caawa si weyn looga dareemay magaalada Buuhoodle oon horey looga baran qaraxyada nuucan ah.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada qaraxan caawa ka dhacay magaalada Buuhoodle, sidoo kale wali ma jiro war kasoo baxay maamulada isku haya gacan ku heynta magaalada Buuhoodle.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -