Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu caawa soo saaray kaga hadlay tallaabooyin ay qaadeen madaxda sare ee dalka , kuwaa oo xaalada siyaadadeed ee dalka ka jirta uga sii dartay.
Farmaajo , ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu kaga digay dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud, lana geliyo dalka xaalad halis ah, taa uu tilkaanay in ay dhaawacayso midnimada iyo xasilloonida dalka.
“Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed” ayuu yiri Farmaajo .