Madaxweyne Trump oo lagu tilmaamay Sheydaan weyn oo Xirfad laheyn

Dowlada Iiraan ayaa jawaab adag ka bixisay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ku aadanaa in uu diyaar u yahay kulan uu la qaato Madaxweynaha dalka Iiraan.

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Ali Jafari ayaa shaaca ka qaaday in aysan Madaxda Iiraan xiligan diyaar u aheyn kulan ay la yeeshaan Sheydaanka weyn uu ula jeeday Madaxweyne Trump.

”Xukuumada Tahran  weligeed wada hadal lama yeelan doonto Sheydaanka Weyn, iimaanka islaamiga ee dhabta ah ee Iran ayaa naga dhigay  mid ka duwan dalalka kale ee adeecayaasha Mareeykanka ah” Ayuu yiri Jafari.

Jafari ayaa sidoo kale Madaxweyne Donald Trump ugu yeeray inuu yahay Madaxweyne aan xirfad lahayn  kaasi oo rajadiisa ah inuu kulan la yeeshay madaxda Iran la gali doona qabriga.

Hadalka Taliyahan ugu awooda badan dalka Iiraan ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordheyso xiisada ka dhax aloosan dowladaha Iiraan iyo Mareykanka, waxaana hada socda dagaal dinaca afka ah ay is dhaafasanayana madaxda labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -