Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo dhoor jiho ka weeraray degmada Aadan Yabaal

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta dhoor jiho ka weeraray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , halkaas oo muddo sannado ah gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada is garabsanaya ayaa ku sugan duleedka degmada Aadan Yabaal, waxa ayna ciidamada qorsheenayaan in howlgal ku galaan degmada Aadan Yabaal oo fariisin muhiim u ahaa Al Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al Shabaab isaga baxeen degmada Aadan Yabaal, waxaa sidoo kale degmadasai faarujiyay dadkii shacabka ahaa ee kunoolaa ,kuwaa oo u qaxay deegaano kale oo nabdoon.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku waramaya in ay qorsheenayaan in saacadaha soo aadan si buuxda gudaha ugu galaan  degmada Aadan Yabaal, waxa ayna xuseen in ay socdaan howlgalo miino baaris ah.

Al Shabaab ayaa degmada Aadan Yabaal ku laheyd fariisinkii ugu weynaa ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana degmadaan haddii ay la wareegaan ciidanka dowladda noqon doontaa guushii ugu weyneed ay ka gaaraan howlgalka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo maanta Kulan muhiim ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhismaha garoonka Diyaaradaha Cadale oo gebogebo maraya iyo madax sare oo kormeer ku tagay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay kulan RW Khayre la qaatay hay’adaha amniga iyo Garsoorka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---