Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Arday Dugsi Quraan oo lagu dilay qarax iyo Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Qarax dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu weeraray dugsi lagu barto diinta oo ku yaalla woqooyiga gobolka Samangan ee dalka Afganistan, waxaana weerarkan si kulul u cambaareeyay kooxda Taalibaan.

Kooxda Taalibaan ee heysa talada dalka Afgaanistan ayaa shaacisay in qaraxan lagu weeray dugsiga diinta lagu barto ay ku dhinteen 15-arday, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 27-qof oo kale oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Afhayeeh u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Afgaanistan oo lagu magcaabo Abdul Naafi Takoor si kulul u cambaareeyay qaraxan ,waxa uuna sheegay in qaraxa lagu weeraray dugsiga uu dhacay xilli ay ardayda salaad dukanayeen.

Taalibaan ma shaacin nuuca qaraxan lagu weeraray goobta waxbarasho uu ahaa, waxa ayna sheegeen in ciidamada ammaanka gaareen goobta ay wax ka dhaceen ayna ku wadaan baaritaano.

Dalka Afganistan ayaa tan iyo markii taladiisa la wareegtay kooxda Daacish waxaa ka dhacay qaraxyo kale duwan oo qaarkood lagu weeraray goobo waxbarasho, waxaana weeraradaasi fuliyay kooxda Daacish ee ku sugan gudaha Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab ka saaray deegaanka Jameecada

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday is ticmaalka Khamaarka 1XBET

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada dalka Sweden (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---