Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab ka saaray deegaanka Jameecada

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ku fuliyeen deegaanka Jameecada ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay .

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ka saareen deegaanka Jameecada oo qiyaastii 25 KM u jira degmada Buurhakaba, waxaana deegaankaasi hadda ku sugan oo howlgal kawada ciidanka huwanta ah.

Ciidanka xoogga ayaa bur buriyay koontaroolo iyo goobo kale ay xubno katirsan Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jameecada, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah kooxdan.

Milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgalo ka sameeya deegaanno ay joogaan Al Shabaab, waxaana xusid mudan in ciidanka saacado kaddib kasoo laabtaan deegaannada ay howlgallada ka sameeyaan kana saaraan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Beyleh: ‘’Soomaaliya 20-ka sanno ee soo socota waa in ay noqoto meel Afrika laga quudiyo’’ (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha cusub ee Iran oo fariin culus u diray Xisbullah

Caydiid Ali

(Sawirro) Saameyn ka dhalatay roob illaa xalay ka da’ayey Muqdisho & nawaaxigeeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---