(Sawirro) Wasiir hor tagay fadhigii xubnaha Labada aqal ee Baarlamanka Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 2aad ee wadajirka ah BJFS.

Ajandaha kulankan ayaa ahaa qeybinta iyo akhrinta koowaad ee qoondaha miisaaniyadda 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa warbixin guud ka siiyay xildhibaannadda labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyada dadaal dheer ay uga jirto sidii Soomaaliya loogu cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

“Waxa aan maanta Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka horgeeynay Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo dhawaan ay soo meel-mariyeen Golaha Wasiiradda XFS. Waxa aan Baarlamaanka oo wadajira u sharaxay Miisaaniyaddaan iyo habka loo soo diyaariyay, waxa aan rajaynayaa in Baarlamaanku ay waajibkooda dastuuriga ah ka gudan doonaan” ayuu yiri wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu dambeyn kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka laga war sugo ilaa ay uga soo dhamaato qiimeynta si loo hor keeno akhrinta labaad iyo akhrinta sedexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -