Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu horkacayey Axmed Shide (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa booqasho aan la shaacinin maanta ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulan la qaatay Madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka labada dal, qorshaha isu socodka Geeska Afrika, isku xirka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta heshiisyadi labada dal iyo arrimo kale sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Somalia.

Axmed Shide ayaa sidoo kale dowlada Somalia ku wareejiyey dawo loogu tala galay la tacaalidda cudurka Coronavirus oo ay ku deeqday Itoobiya.

Waa markii labaad ee Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii RW Itoobiya Abiy Ahmed uu xilka qabtay, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta horboodaya Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xamse oo sheegay saddex sifo oo ay laheyd Marxuumad Khadiijo Diiriye

Caydiid Ali

Guri kuyaala Muqdisho oo lagu beeray Daroogo halis iyo Booliiska oo soo qabtay

Cabdi Cade

Ruushka oo soo bandhigaya Taangi noociisa aan horey loo arag & hub kale oo casri ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---