Allbanaadir.com
NEWS

Hal-milyan oo Dollar oo loogu deeqay dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen

Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna kusimaha Ra’iisalwasaaraha, Md Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa shaaciyay in xukuumad ahaan ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu kaga qayb qaadanayaan lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).


Ra’iisalwasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaadhi lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

”Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku.


Dhowaan ayay ahayd markii R/w Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi qaran oo ka shaqaysa sidii loo samato bixin lahaa guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenku kuwaaso oo xiligan ku hawlan shaqadii loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Elon Musk oo sabab yaab leh shaqada kaga eryey nin ka tirsanaa shaqaalaha Twitterka

Caydiid Ali

Hassan Rouhani oo si dadban Mareykanka ugu eedeeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Basbaas sabab u noqday in Maxaabiis ka baxsadaan xabsi si weyn loo ilaaliyo ammaankiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---