Mashruuca Cusub ee Calanka Somalia “Muufo Muufo Dhashey” !!

Maalin waliba Mashruur  Cusub  ayaa Hadba la soo Alifayaa maanta wasiirkii Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi  Xayir Maareeye  ayaa waxaa uu soo bandhigey Qandaraas aan aad ula yaabey oo ah in  loo Tartamaya Midab Calankeena sidaa Darteed waa ayaandaro in maaanta lala soo shir tago Raadinta  Midabkii Calankeenna.

 Marka la qaadayo Heesta Calanka waxaa ahayd “Qolobaa Calankeeda Duulba waa Caynee, Inaga keena waa Cirkoo kale oo aan  Caad lahayn”marka qof waliba waa iska garanayaa in calankeed Midibkiisa uu yahay Cirka oo aan Caad lahayn sidaa Dareed waxaan wareegtadaan u arkaa mid la doonayo in  Shaki lagu geliyo Calankeena ama Khilaaf hor  leh  lagu Abuuro iyadoo dano Siyaasadeed oo fog laga leeyahay.

Ninkii Alifey Calanka waxaa uu ahaa Maxamed Cawaale Liibaan waxaana uu Tartan la galey Dad fara badan oo Soomaaliyeed kuwaa  ku  Tartamay keenida  Midabka Calanka Soomaaliyeed isaga ayaa ku Guuleystey ka dib markii uu keeney Calankii ugu Qurxoonaa Calamada Aduunka kana Qurux badan Calamadii  Adduunka sidoo kale  Calankaas Buluuga ah wuxuu  aad uga Dhex  Muuqdaa marka la safo  ama sheeda laga eego Calamada kale aduunka  ee Midabada Badan.

.Hadii uu Qandaraaskaas uu hirgalo  laguna  Guuleysto Midibka Calanka Somaaliyeed sow ma noqoneysa mid la rabo in lagu Mooro duugo Taariikhdii  Geesigii Alifey Calanka Soomaaliyeed Maxamed Cawaale Liibaan sidoo kale sow ma noqoneyso   in  la  sameeyo Maalin  kale oo ka  duwan 12 Oktoobar  oo ah maalin ku weyn Ummada Soomaaliyeed maadaama Cida keentey Midab Calanka  ay Xaquuq u yeelaneyso   Xuska Maalin kale oo la xuso Calanka Sidoo kalane ay meesha ka baxayso Heesta Calanka ee Buluuga saxda ah Tilmaameysa

Calanka oo Mididbkiisa uu Buluuga uu yahay ayaa waxaa uu ka diwaan gashan yahay Qaramada Midoobey marka waxaa la yaab ah  in marka Wasiirka Ganacsiga uu soo saaro Midabka Calanka  Cusub mar kalaa Qaramada Midoobey laga Diwaaangelinayaa sidoo kale Sow uma Muuqato in la Hareer marey Golihii Baarlamaanka oo isagu ilaalinaya Astaamaha Qaran uuna yahay midka keliya ee Bedeli karo Calanka iyo Astaamaha kale Qaranka uu leeyahay

Waxaan si aad u ula yaabey in Qandaraaskaas  Baafintiisa laga siidaayey Warbaahinta Qaranka  iyadoo la leeyahay waxaa loo Tartamayaa Midibka Saxda ah ee Calanka Qaranka Soomaaliyeed sidaa Darteed Mashruucaas Cusub ee Ujeedo badanka ah  waxaana ku tilmaami karaa Mashruucii hore loogu Hungoobey ee “Muufo Muufo Dhashey”

FIIRO GAAR AH   waxaa ka Cabsi qabaa in mar kale  uu wasirka uu hadlo oo uu yiraahdo “Aniga Sidaa u lama jeedin wareegtadeydana si Qalad ah ayaa loo Tarjuntey ” sidii Wasiro Hore War noocaan ah uga tagey, mid kale Wasir Maareeye Bulshoy sow isagana kuma Haboona in Xilka laga qaado sidii Wasiirkii Wabarashada oo ay la tagto Seefta Raiisul Wasaare Khayre.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252515532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -