Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haamo sun looga shakisan yahay oo ku soo caariyey xeebta Warshiikh (Sawirro)

Haamo afka xiran oo aan la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caariyey meel aan ka fogeyn xeebta degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

Labadan Haamood oo loo malaynayo iney ku jiraan haraaga sunta iyo kiimikada Warshadaha ayaa waxaa la aamnsan yahay iney xeebaha Somalia ku daadiyeen maraakiibta reer galbeedka oo dalalkooda ka soo fogeeyey.

Haamahan oo aad u daxaleystay ayaa laga cabsi qabaa iney dilaacaan ama neefsadaan taasoo keeni karta dhibaato caafimaad oo ka soo gaarta dadka degaankaas.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan heyadaha qaabilsan ilaalinta badqabka degaanka ayaa loogu baaqay iney wax ka qabtaan haamahan si looga badbaadiyo iney saameeyaan dadka iyo degaanka.

Xeebaha Somalia ayaa 30 sano ee la soo dhaafay waxay ahaayeen meel maraakiibta shisheeye ay ku daadiyaan haraaga sunta warshadaha, sidoo kalena uu ka socdo kaluumeysi sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo dib u furtay Waddo cusub oo dhagxaan lagu xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir muhiim ah oo ka furmay Nairobi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sargaal Amray in la dilo Maxaabiis oo si xeeladeesan Muqdisho loogu xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---