Sargaal Amray in la dilo Maxaabiis oo si xeeladeesan Muqdisho loogu xiray

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu xiray sargaal katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya oo amray in la dilo maxaabiis katirsan Al Shabaab iyaga oon wax Maxkamad ah lasoo taagin.

Sargaalkan Muqdisho lagu xiray ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cabdinuur Turbac oo ahaa taliyaha ururka 49-aad, guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad, waxa uuna taliyahan ka howgalayay Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida aan Wararka ku helnay sargaalkan Muqdisho looga yeeray kadibna lagu xiray ayaa amray in la dilo lix nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Al Shabaab  kuwaa ku xirnaa Xabsi kuyaala Baardheere.

Xubnahan lagu toogtay Degmada Baardheere ayaa la sheegay in aan la horgeyn wax Maxkamad ah lana toogtay, hasa ahaatee sargaalkan amarka bixiyay iyo xubno katirsan maamulka Baardheere ayaa sheegay in ragaasi Maxkamad la saaray kadibna la dilay.

Cabasho ku aadan dilkan ka dhacay Degmada Baardheere ayaa loo gudbiyay Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaan Maxkamada Magaalada Muqdisaho si xeyladeesan uga yeertay sargaalka amarka bixiyay kaa oo markii dambe xabsi la dhigay.

Saraakiisha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa aad uga caroday in go’aan aysan Maxkamada waxba ka ogeyn la fuliyo, waxaana saraakiisha Maxkamada la filayaa in dacwad kusoo oogaan sargaalkan amarka dilka bilaa Maxkamad bixiyay.

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa bilaa Maxkamad loogu toogtaa dad lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab, dadkaasi la tuhmayo ayaan helin maxkamad kiiskooda qaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -