Dowladda oo dib u furtay Waddo cusub oo dhagxaan lagu xiray (Daawo Sawirro)

Shabakadda Allbanaadir ayaa saakay baahisay war ku aadan waddo cusub oo kutaala xaafada Banaadir ee degmada Hodan oo lagu xiray dhagxaan shub ah, wadadaasi ayaana muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Wadadan dhagxaanta lagu xiray ayaa u dhaw Isbitaalka Banaadir waxa ayna wadadan muhiim u aheyd tegista isbitaalo dhoor ah oo kuyaalla aaga Banaadir iyo sidoo kale jaamacado iyana halkaasi kuyaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa durba si degdeg ah uga jawaabtay cabashada shacabka ee ku aadan wadadan cusub ee la xiray, waxa ayna dowladda durba qaaday tallaabo la boggaadiyay oo aheyd in ay dib u fureen wadadii saakay dhagxaanta lagu xiray.

Waddooyin badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa wali waxaa ku xiran dhagxaan , waxaana madaxweynaha cusub ee Soomaaliya horey uga mid ahaa dadka kasoo horjeeda dhagxaanta lagu jaray waddooyinka oo si weyn loogu dhaliilay dowladdii Farmaajo.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa xilligan saameyn muuqata ku leh dowladnimada, waxaana dowladda marar badan ka jawaabtay cabashooyin bulsho oo lagu baahiyay warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -