Gabar yar oo Soomaali ah oo lagu afduubtay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in gabar yar oo Soomaali ah laga afduubtay goob ganacsi oo kutaalla deegaanka Delft oo katirsan magaalada Cape Town ee xarunta gobolka Westren Cape.

Warbaahinta dlka Koonfur Afrika qaarkood ayaa tabiyay in gabar oo 15-sanno jir ah afduubteen kooxo burcad ah oon heebtooda la garan, waxaana gabadha xilliga la afduubanayay ku sugneed dukaan aabaheed uu lahaa.

Kooxda hubeeysan oo ka kooban ilaa 5 nin ayaa la sheegay in ay gudaha dukaanka galeen kana soo kaxeesteen Gabadhan yar oo la sheegay in xilliga afduubka dhacayay aabaheed ku mashquulsanaa in adeeg gaari ka dejiyo.

Afhayeenka booliska gobolka Western Cape Ndakhe Gwala, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaaliyeed ay ka war heleen ayna ku mashquulsan yihiin baaritaanka iyo sidii ay usoo celin lahaayeen.

Gabadhan la afduubtay ayaa la sheegay in kaliya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika joogtay muddo saddex bilood ah, waxaana afduubka loo geestay aad uga naxay Soomaalida kunool dalkaasi .

Dalka Koonfur Afrika ayaa marar badan lagu afduubtay ganacsato Soomaaliyeed, kuwaa oo qaarkood lacago madax furasho ah lagu soo daayay, waxaana cusub in la afduubto carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan gabdahaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -