Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Al-shabaab oo u gacan galay Macawisley

Ciidamada degaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka al shabaab ee gobolkas.

Ninkan oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange ayaa la sheegay inuu ahaa madaxa sahanka iyo sirdoonka al shabaab ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka  Mudug ka dib markii au baacsadeen ciidamada.

Ciidamada fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkaan waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee ka howlgala aagga deegaanka Bacaadweyne.

Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa ururinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas sida ay sheegeen saraakiisha.

Related posts

Maleeshiyaad loogu tala galay in ay dagaal la galaan Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Markab Xamuulka qaada oo ku quusay xeebaha Soomaaliya ka dib markii..

Caydiid Ali

Jabuuti oo soo bandhigtay Maraakiib dagaal oo ay soo iibsatay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---