Ciidamo loo tababaray la dagaalanka Al-shabaab oo la soo bandhigay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa noqonaya dufcaddii 17-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Jen Xijaar oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay gudashada waajibka qaran ee loo tababaray, waxaana uu xusay tababarka dufcaddani ay qayb ka tahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Tababarka Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo uu Dalkeennu la kaashado dalalka Jamhuuriyadda Dabuuti iyo Talyaaniga ayaa waxaa hore uga qalin jabiyey 16 dufcadood, waxaana dufcaddan 17-aad ee maanta tababarka loo soo xiray ay tiradoodu gaareysaa 80 askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -