Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Madaxtooyada, waxaana Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Galmudug loo magacaabay Cusmaan Macallin Xasan l.

Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdigii xaqiiqo raadinta IGAD oo kulamo xasaasi ah ka wada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo waday iyo ragii la socday

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo loo heysto inuu xaday dheyman lagu qiimeeyey 15 bilyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---