Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Kenya oo weeraray xarun Islaami ah oo ku taalla xaafadda Islii

Booliska Kenya ayaa weeraray xarunta dawaynta dadka ee Qur’aan saarka ee ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Baaritaan la sameeyay ayaa la sheegay in lagu ogaaday in xarunta Daaru Shifaa ay ka dhacaan xaadgudubyo lagu hayo dadka bukaan ahaanta halkaasi loo geeyo.

Booliska Kenya ayaa baaritaanno ku samaynaya caafimaadka bukaanada halkaasi joogo halka kuwa caafimaadka qabo ay u dirayaan guryihii ay ka yimaadeen.

Laanta la dagaalanka daroogada ee Kenya NACADA ayaa xaqiijisay in booliska ay xarunta cilaajka ay ka wadaan howlgal.

Mar sii horreysay laanta la dagaalanka daroogada ee Kenya waxay sheegtay in xarunta dhaqan celinta aysan ka sharciyaysan dalka islamarkaasna waxay cambaareysay xadgudubka iyo jirddilka lagu hayo bukaanada daawada halkaasi u raadsado.

Mulkiilaha xarunta Daaru Shifaa oo ku taala xaafadda Islii ayaa markii uu barnaamijka baxay kadib waxa uu cabasho ka muujiyay sida barnaamijka loo dhigay, wuxuuna beeniyay eedeymaha ku xusan barnaamijka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka oo la sheegay in uu doonayo in Puntland ka jaro Soomaaliya

Cabdi Cade

Xamse Barre oo amar cusub soo saaray ka dib kulan uu la qaatay laamaha amniga (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Sagaal Shardi oo lagu xiray musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---