Hoggaamiyaha Jabhada TPLF oo Shuruud cusub ku xiray in ay hubka dhigaan

Dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF ayaa dhawwaan heshiis nabadeed gaaray, waxa ayna labada dhinac isku afgarteen in xal siyaasi ah loo raadiyo colaada sanadaha badan ka aloosan Waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigrey.

Heshiiska labada dhinac gaareen ayaa waxaa qeyb ka ah in hubka dhigaan maleeshiyaadka u dagaalamayay jabhada TPLF , sidoo kale ciidamada federaalka si buuxda ula wareegaan ammaanka waqooyiga Itoobiya.

Hogaamiyayaasha ugu sareeya Jabhada Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.

Waxa ay sheegeen hoggaanka TPLF in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii la gaaray ,balse u baahan yihiin in ay helaan damaanad qaad buuxa oo la xariira ammaanka dadka ku sugan waqooyiga Itoobiya ee Tigrey.

Jabhada TPLF ayaa sidoo kale horey shuruud uga dhigtay in ay hubka dhigaan in marka hore gobolka Tigrey laga saaro ciidamada ka socda dalka Eritrea ee ciidamada Itoobiya gacan ku siinayay dagaalka halkaasi ka socday,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -