Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Guddi hoosaadka golaha wasiirrada oo Shir muhiim ah yeeshay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Shirka maanta oo ay ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019.

Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka.

Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox hubeysan oo laga cabsi qabo in ay jaraan Internetka Soomaaliya iyo Walaac la muujiyay

Cabdi Cade

Sheekh Zakir Naik oo laga mamnuucay in Wacdi ka jeediyo Dal Muslim & Sababta keentay

admin

Jabuuti oo ka laabatay dekedii ay ugu yaboohday Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---