Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

(Sawirro) Al-Shabaab oo dib ula wareegtay degaan Magaalada Baladweyne ku dhow

Xoogaga Al-shaaab ayaa si nabadgelyo ah ula wareegay deegaanka Tarajante ee duleedka degmada Baladweyne oo ay gacanta ku hayeen ciidamada dowlada.

Deegaanka Tarajante ayaa masaafo gaareysa 30km oo kaliya  bari ka xiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ka dhex muuqday xoogaga Al-shabaab oo sii galaya gudaha degaanka.

Saraakiisha Alshabaab ayaa kulamo la qaatay dadka ku dhaqan degaanka Tarajante iyagoo ugu hanjabay in cid kasta oo la shaqeysa ciidamada DF ay ciqaabi doonaan sida laga soo xigtay dadka degaanka

Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle oo labo cisho ka hor gaaray deegaanka Tarajante ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay dhulkooda ka difaacdaan kooxaha Al shabaab.

Al-shabaab ayaa horey ula wareegtay deegaanada CaliGaney, NuurFanax Booco iyo Burdaar oo dhamaantood ku yaalla bariga Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil goordhaw ka dhacay Dhuuso Mareeb xili ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Madax kale

admin

Dalalkii ugu horeeyey Qaarada Afrika oo bilaabaya tijaabada talaalka Coronavirus

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Kabalyeeri ku biiray Al Shabaab oo ka dagaallamay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---