Dabley dil qorsheysan ka geystay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa galabta xaafada baar ubax ee degmada H/wadaag waxay ku dileen nin shacab ah

Cumar Shiikh C/llaahi ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaas ku fureen dabeyda soo weerartay sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ragga hubeysan ee dilay marxuumka ayaa ka baxaday goobta.

Weli lama oga sababta loo dilay marxuum Cumar Shiikh C/llaahi iyo cida ka dambeysay inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -