Allbanaadir.com
NEWS

Dil goordhaw ka dhacay Dhuuso Mareeb xili ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Madax kale

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay dil loo geestay ruux la sheegay in uu ahaa shacab .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askari katirsan ciidanka maamulka Ahlu Sunna nin darawal ka ahaa gaari nuuca dhagxaanta qaada ku toogtay magaalada Dhuuso Mareeb, walina lama oga sababta dilkaasi ka dambeysa.

Ciidamo katirsan maamulka Ahlu Sunna ee sugaya amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geestay, waxaana askrigaasi lagu xiray saldhig booliis oo magaaladaasi kuyaala.

Dilkan ayaa imaanaya xili magaalada Dhuuso Mareeb ku sugan yihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Madax katirsan maamul goboleedyada dalka, Xildhibaano , Wasiiro iyo Marti sharaf kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabaha dhalay Gabadhii Darteed loo gubay Axmed Dowlo oo Fariin Xasaasi ah soo diray

Cabdi Cade

Masuuliyiin loo heysto iney xiriir la lahaayeen Al-shabaab oo la soo taagay Maxkamad

Caydiid Ali

ATMIS oo shaacisay dhimasho ka dhalatay Madaafiicdii Xalane

Caydiid Ali
Taboola Ads ---