Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Kabalyeeri ku biiray Al Shabaab oo ka dagaallamay…

Ciidanka xoogga Soomaaliyeed gaar ahaan taliska guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay dagaalyahan kasoo goostay kooxda Al Shabaab.

Cali Boorow Macalim Mursal oo looyaqaano ( Cabdi qani Digir iyo ilkacase ) ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga ee jooga Baydhabo, kaddib markii uu kasoo baxsaday kooxdii uu katirsanaa ee Al Shabaab.

Ninkan oo markiisii hore ahaa kabalyeeri ka shaqeyn jiray maqaayad kutaalla magaalada Muqdisho ayaa ku biiray kooxda Al Shabaab kaddib markii lagu tashkiiliyay, waxa uuna tababar kusoo qaatay deegaanka Bisiq-cadde iyo sidoo kale degmada Jilib.

Dagaalyahankan kasoo goostay kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in uu kasoo qeyb galay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaannada Baar Sanguuni, Janaay Cabdalla iyo Buulla Mareer  oo ka kala tirsan Jubadda Hoose iyo Shabeelaha Hoose.

Ninkan isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al Shabaab dhaxdeeda ka jiraan dhibaatooyin badan, waxa uuna ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee katirsan Al Shabaab in ay duurka kasoo baxaan iskuna soo dhiibaan dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -