Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay lahaayeen Ciidanada Nabad Sugida Jubbaland

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar culus ku qaaday saldhiga Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ay ku leeyihiin magaalada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose.

Weerar ku bilowday bambaanooyin ayaa lagu qaaday saldhiga ciidamada Nabad Sugida ee kuyaala Dhoobley waxaana markii dambe halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhax maray labada ciidan ee is fara saaray.

Dadka deegaanka ayaa aad uga argagaxay hubka culus ee is dhaafsanayen ciidamada Jubbalanbd iyo kuwa Al Shabaab, waxaana dad badan argagax ka qaadeen dagaalka xiliga saqda dhaxe ka bilowday Dhoobley.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen dagaalka ka dhacay magaalada Dhoobley, mana jiro ilaa hada wax war ah oo weerarkan kasoo saareen Nabad Sugida Jubbaland.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey guul uga sheegtay weerarka ay ku qaadeen Dhoobley, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in askar katirsan Nabad Sugida Jubbaland dileen sidoo kale hub kasoo kusoo furteen weerarka Dhoobley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -