Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Dhismaha cusub ee Madaxtooyada Galmudug oo beri xariga laga jarayo

Waxaa la soo gebagebeeyey dhismaha xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb.

Dhismaha oo ka kooban qeybo kala duwan oo u badan xafiisyo, Hoolala shirarka iyo hoyga Madaxweynaha ayaa waxaa ku baxay malaayiin dollar sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Gamudug.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo ku sugan caawa magaalada Dhuusamareeb, uuna wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la filayaa iney beri xariga ka jaraan xaruntaas.

Madaxweynaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada oo haatan degan xaruntii ay Dhuusamareeb ku lahaayeen kooxdii ahlu suna waljameeca ayaa la filayaa iney beri wixii ka dambeeya u guuraan madaxtooyada cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar khasaaro kala duwan dhaliyay ka fulisay gudaha Dalka Kenya

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga oo weerar culus ku qaaday Abag-beeday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---