Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dibed baxayaal careysan oo dab qabadsiiyey hoyga Aayatullah Khumeyni (Sawirro)

Dibad baxayaal careysan ayaa dab qabadsiiyay guriga ninka uu awoowaha u yahay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Aayatullah Ruhollah Khumeyni.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada, ayaa muujinaya qeyb ka mid ah dhismaha Khumeyni oo dab la qabadsiiyay.

Wakaaladaha wararka, ayaa xaqiijiyay dhab ahaanshaha muuqaalada, balse maamulka gobolka, ayaa beeniyay inuu jiro weerarkaas.

Ayatullah Khumeyni, ayaa la sheegay inuu ku dhashay guriga la sheegay in dab la qabad siiyey, oo haatan ah madxaf lagu xuso noloshiisa.

Khumeyni ayaa waxa uu ahaa hoggaamiyihii kacdoonka Islaamiga ah ee Iran ka dhacay sanadkii 1979-kii.

Kacdoonka, ayaa waxaa xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii reer galbeedka ay taageersanaayeen, Shah Mohammad Reza Pahlavi, isagoo dhisay Khumeyni dawlad Islaami ah oo jirta Illaa iyo maanta.

Waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu sareeyay ee Iran illaa uu ka geeriyooday sanadkii 1989-kii, taasoo illaa iyo haatan ku asteysan maalin baroor diiq ah sanad walba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo Fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade

Faah faahin:- Dagaal lagula wareegay Degmada Mataan ee maamuleysay Ahlu Sunna & Dacwadii Xildhibaan Cawil Daad !!

admin

Dowlad daris la ah Soomaaliya oo sameesaneysa Baro Bulsho oo ugaar ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---