Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga oo weerar culus ku qaaday Abag-beeday (Sawirro)

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa weerar qorsheysan waxa ay subaxdii hore ee saakay  ku qaadeen deegaanka Abagbeeday oo ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

Dagaal xooggan ayaana halkaasi ku dhax maray ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al Shabaab, waxaana ciidanka u suurto gashnay in ay ka adkaadaan kooxda Al Shabaab kana saaraan deegaanka dagaalka saakay ka dhacay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa weerarka ay ku qaadeen deegaanka Abagbeeday ku dilay xubn o katirsanaa kooxda Al Shabaab , waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen hub ay ku jireen qoryaha Dabajeexa loo yaqaan iyo sidoo kale AK-47.

Taliyaha sahanka guutada 9-aad dhamme Aadan Gaabow Isaaq, ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalkii maanta fuliyeen, waxa uuna xusay in ay dileen 9-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab , sidoo kale hub ka qabsadeen.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jiir ama Dooli Abaal marin caalami ah la gudoonsiiyay iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay sargaal katirsanaa Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---