Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo maanta ka baxay deegaan Dhiig badan ku daatay

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka Macawuusleyda , ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaan maanta isaga baxeen saldhigyadii ay kaga sugnaayeen deegaanka Aboorey ee hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa Al Shabaab, ayaa maanta la sheegay in ciidanka huwanta ah uga baxeen xeylad dagaal, ayna aadeen deegaanno kale oo ku dhaw dhaw Aboorey.

Kooxda Al Shabaab oo ku sugneed goobo aan sidaa uga fogeen deegaanka Aboorey, ayaa wararku sheegayaan in gudaha usoo galeen deegaanka lana wareegeen saldhigyadii ay isaga baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ,ayaan ka hadlin sababtay keentay in ay isaga baxaan deegaanka Aboorey oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaal dhiig badan ku daatay, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in deegaankaasi ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Ka bixitaanka ciidanka dowladda deegaanka Aboorey, ayaa kusoo aadeysa xilli kooxda Al Shabaab maanta weerar xooggan ku qaadeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo wararku sheegayaan in kooxda la wareegtay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Golaha Wasiirada DF oo yeeshay shir deg deg ah iyo Rooble oo ku dhawaaqay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulan deg deg ah oo caawa ka socda xarunta Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Iran ay soo riday dayuuradii rakaabka aheyd ee Ukraine?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---