Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo magacaabay Saddex guddoomiye degmo uu ku jiro Nin caan ka ah baraha bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilka ka qaaday saddex kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna magacaabay guddoomiyaal cusub.

Wareegtada uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana xilka looga qaaday guddoomiyaashii degmnooyinka Boondheere, Hodan iyo Waabari, waxaana isla wareegtda lagu magacaabay guddoomiyaal cusub oo degmooyinkaasi maamulaya.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar (Deeyoo), guddoomiyaha degmada Waabari ayaa loo magacaabay Maxamed Sayid Cali, halka guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay Cali Axmed Faarax.

Duqa Muqdisho guddoomiyaasha uu magacaabay waxaa ku jira Maxamed Deeyoo oo kamid ah shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada, waxa uuna ninkan ku caan baxay mucaaradnimada dowladdii Farmaajo iyo taageerada Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaadeysa wadadii dowladii hore ee Madaxweyne Farmaajo oo xilal ku abaal marisay dadkii taageeray Farmaajo, waxaana hadda xilal badan lagu abaalmariyay dadkii sida weyn u taageersanaa Xasan Sheekh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal loo heestay dilka Madaxweyne Sheikh Mujibur Rahman oo la dal dalay

Cabdi Cade

Jawaari oo Jid u Bixiyay Dooddii Doorashada Soomaaliya ee Qof iyo Cod

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaanka Camaara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---