Weerar dhaliyay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Wararka aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

Sida aan wararka ku helnay rag katirsan Al Shabaab ayaa bambaano ku tuuray goob ay ku sugnaayeen askar katirsan ciidanka nabadsugida gaar ahaan kuwa dharcadka ah, waxaana bamnbada kaddib la sheegay in raga hubeesan rasaas huwiyeen goobtii ciidanka joogeen.

Iska hor imaad kooban oo dhax maray kooxda hubeesan iyo ciidamada nabadsugida ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana mar qura lagu kala cararay goobtii weerarka ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka nabadsigida ayaa goobta ku dhintay halka saddex askari oo kalana dhaawacyo soo gaareen, kuwaa oo loo qaaday xarumo caafimaad oo kuyaalla Muqdisho.

Ciidamo katirsan nabadsugida oo gaaray Suuqa Bakaaraha ayaa halkaasi ka wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka geesatay, waxa ay sidoo kale ciidamada baarayaan dadka ay ka shakiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -