Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaanka Camaara

Ugu yaraan afar Ruux ayaa ku geeriyooday sadex kalena way ku dhaawacmeen dagaal galabta ka dhacay degmada Camaara ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa dhexmaray ciidamada macawisleyda deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka guutada Abu Dujaana.

Xaalada magaalada Camaara ayaa galabta kacsaneyd, iyadoo dagaalkii halkaas ka dhacay oo la isku adeegsaday hub kala duwan uu saameeyey socodka iyo ganacsiga

Dagaalka oo xoogaystay ayaa banaanka magaalada looga saaray Ciidamada xoogga dalka guutada Abuu-dujaana sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday ka dib markii ciidamada degaanka au ka caroodeen falal dhac ah oo ciidamada xoogga dalka kula kaceen qaar ka mid ah xoolo dhaqatada degmadaas.

Ciidamada labada dhinac oo iskaashanaya ayaa dhowaan Degaanka Camaara ka saaray xoogaga Al shabaab oo degmadaas ka talinayey muddo dheer, waxaana dagaalka oo qaboobay cawa maqribkii ku baxay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan labada dhinac.

Related posts

Safiirkii dowlada Shiinaha u fadhiyay Israa’il oo la helay isaga oo Meyd ah

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Magatte Guisse & Marwo Sanaa Omer

Caydiid Ali

Madaale iyo Wasiir Khadija Al-makhzoumi oo ka arrinsaday dhaqangalka amar ay soo saareen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---