Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Elon Musk oo shaqaalaha Shirkadda Twitter ku soo rogay amar cusub oo yaab leh

Milkiilaha Shirkadda Twitter ayaa u sheegay shaqaalihiisa in dhismayaasha xafiisyada shirkadda ay si ku meel gaar ah u xirnaan doonaan, isla markaana aysan soo shaqo tegin.

Shaqaalaha ayaa fariimo loo diray loogu sheegay in in xafiisyadu dib loo furi doono Isniinta 21 November. Mana aysan sheegin sababta ay u xireen xafiisyada.

Talaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan warar sheegaya in tiro badan oo shaqaalaha ka tirsan ay shaqada ka tagayaan ka dib markii milkiilaha cusub Elon Musk uu ugu baaqay inay saxiixaan saacado ka badan kuwii hore oo la shaqeyn doono.

“Fadlan waa inaad u hoggaansanto siyaasadda shirkadda adigoo ka fogaanaya inaad kala hadasho macluumaadka shirkadda warbaahinta bulshada, saxaafadda ama meelo kale.”ayaa lagu yiri fariinta loo diray shaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Theresa May oo ka badbaaday Mooshin kalsooni kala noqosho ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cabanaya (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowladda Jabuuti oo si adag uga jawaabtay Eedeyn culus oo uga timid Madaxweyne Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---