Wararkii ugu dambeeyey Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay nabadoon Xasan Cali Eybakar oo ahaa nabadoon si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geytay ay goobta ka baxsadeen, iyadoo nabadoonkana uu isla goobta ku qur baxay

Nabadoonka ayaa sidoo kale ka mid ahaa tiro nabadoono ah oo dhexdhexaadin ka dhex waday dagaal beeleed ka socda degmada Cadale.

nabadoonka ayaa noqonaya qofkii shanaad ee 24 saac gudahood lagu dilo magaalada Muqdisho, maanta ayey aheyd markii siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada sarkaal ciidan iyo labo nin oo ahaa darawalo gaadiid xamuul, iyadoo xalayna la dilay wadaad imaam ka ahaa Masaajid

- Advertisement -