Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaan istaraatiiji ah oo ka tirsan Sh/dhexe (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka ayaa Al-shabaab kala wareegay Degaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaano kale oo kooxdu in muddo ah ka talineysay

Gaashaanle Cali Yuusuf Macalim oo ka mid ah saraakiisha hoggaaimneysay howlgalka lagula wareegay deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in Al-shabaab deegaankaan uu u ahaa marrin muhim u ah oo isaga kala gooshaan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhaxe iyo Shabeellaha Hoose.

Xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaa degaanka Ceel baraf ayaa isaga baxay markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Saraaakiisha ciidamada ayaa sheegaya iney haatan degaanka Ceel baraf ka wadaan howlgalo miino baaris ah, ayna ciidamadu ka feejigan yihiin weerar rogaal celis ah oo laga fili karo Al-shabaab oo ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn degaankaas.

Sidoo kale degaanada Caadley iyo Cali Fooldheere oo ka tirsan isla gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay iney ciidamada dowladu kala wareegeen Al-shabaab iyadoo aaney waxc dagaal ah ka dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalka marti-gelinaya kulanka labaad ee Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaqaale caafimaad ka afduubtay deegaanka kuyaalla G/Hiiraan

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo Wareegto ku magacaabay taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---