Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaqaale caafimaad ka afduubtay deegaanka kuyaalla G/Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal katirsan Al Shabaab deegaanka Sheekh Cumar oo dhaca galbeedka gobolka Hiiraan ka afduubteen afar qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo darawalkii waday.

Shaqaalahan caafimaad ee la afduubtay oo u shaqeenayay hay’ad maxali ah ayaa kasoo laabtay deegaanka Far Libaax ee gobolka Hiiraan, waxaana shaqaalahan ay ku jiraan labo dumar ah jidka u galay xubno katirsan Al Shabaab oo horey usii watay.

Dadkan la afduubtay ayaa wararka aan helnay sheegayaan in ay u shaqeenayeen  hay’ad maxali ah oo qaabilsan daaweynta iyo nafaqeynta caruurta oo ka shaqaysa gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin dadkan la sheegay in ay ka afduubteen gobolka Hiiraan, waxaana aad u wel welsan ehelada dadkan u gacan galay kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Shuute oo shaaciyey arrin culus oo heysata

Caydiid Ali

Akhriso Xalka ugu haboon ee badqabka tayadda waxbarashada dalka

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dad isku qoys ahaa oo xalay lagu dilay Deegaanka Xaluule

Cabdi Cade
Taboola Ads ---