Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya Saldhig Milatari oo kuyaala Muqdisho

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu booqdo saldhiga Milatari ee dowlada Turkiga ka furatay deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Amaanka wadooyinka isku xira saldhiga Milatari iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaar lasoo dhigay ciidamo badan oo gaadiidka u diidaya in wadooyinkaasi maraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ciidamo cusub tababar ugu soo xiro xerada Milatari ee Turkiga maamulaan , waxaana ciidankan cusub lagu wadaa in dowlada la wareegto qeybna ka noqdaan xasilinta Muqdisho.

Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka furtay saldhiga Milatari ee ugu weyn ee ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda, waxaana saldhigan ku xareesan tababarna uga socdo ciidamo iyo saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -