Sheekh Cisman Axmed Geedi iyo wiilkiisa oo la dilay iyaga oo Salaad ku jira

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan ay dileen Sheekh Cisman Axmed Geedi iyo wiil uu dhalay , xilli ay salaada maqrib dukanayeen.

Sheekh Axmed Cismaan oo horey usoo noqday guddoomiyihii maxkamadda magaalada Cadaado iyo wiilkiisa ayaa lagu dilay deeganka Dhisaq Shurufle, waxaana la dilay xilli guri kuyaalla deegaankaasi ay salaad ku dukanayeen.

Kooxdii hubeesneed ee dilka u geestay wadaadkan caanka ka ahaa Cadaado iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa goobta isaga baxsaday, mana jiro cid laamaha ammaanka usoo qabteen dilka.

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dilka loo geestay guddoomiyihii hore ee maxkamadda Cadaado, sidopo kale ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda dilka wadaadkan loo geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -