Walaalaha Madaxweyne Biden iyo dad kale oo Mareykan ah oo laga mamnuucay in ay tagaan…

Dowladda Ruushka ayaa dalkeeda ka mamnuucday in ay cagta soo saaraan 200- muwaadin oo u dhalatay dalka Mareykanka, kuwaa ay ku jiraan saddex kamid ah walaalaha la dhashay Madaxweyne Joi Biden.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Ruushka ayaa lagu shaaciyay magacyada 200-qof oo u dhashay Mareykanka oo laga mamnuucay in ay tagaan dalka Ruushka.

Shakhsiyaadka dowladda Ruushka dalkeeda ka mamnuucday ayaa waxaa ku jira madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

Dowladda Ruushka dadka kale ee caanka ah ee dalkeeda ka mamnuucday waxaa ku jira xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre, waxaa sidoo kale ku jira siyaasiyiin, ganacsato iyo dad kale oo caan ah.

Cunaqabateynta dhinaca safarka ah ee Ruushka saaray muwaadiniinta Mareykanka ayaa jawaab u ah cunaqabateyn horey dowladda Mareykanka u saartay shaqsiyaad u dhashay Ruushka oo lagu eedeeyay in xiriir la leeyihiin Madaxweyne Putin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -