Muqdisho Stadium – Xero-ciidan mise Garoon-ciyaareed ? !!!

Garoon waa goob kulmisa noocyada kala duwan ee cayaaraha sida Kubadda cagta, koleyga, Dabaasha, gacanta, iyo kuwa la halmaala. Mararka qaar, waxaa lagu qabtaa ban-dhig faneedyada iyo ruwaayadaha, waa goob kor ka furan oo si afar gees ah u sameysan taasi oo leh meel ay fariistaan daawadayaasha ku sugan garoonka.

Muqdisho Stadium waa mid ka mid ah garoomada ugu muuqaalka qurxoon ee ku yaalla qaaradda Africa, garoonka ayaa mar kaliya marti gelin kara soddon kun oo qof (30,000), Dowladda Shiinaha ayaa sannadkii 1978-kii dhistay.

Cayaartii ugu horreysay ee lagu qabto garoonka ayaa xariga loogaga jaray xulka qarankeenna iyo koox shiinees ah. Gegidaan ayaa mar noqotay xarunta ugu weyn uguna quruxda badan Afrika iyo Carabtaba – iyadoona marti galisay tartamo cayaareed oo caalami ah sida Ciyaaraha Carabta, Africa, CECAFA iyo kuwo kale oo badan.

Horaantii 90-meeyadii, garoonka ayaa xero milatari iyo hoyba u ahaa ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Pakistaan ee dalka Soomaaliya nabad ilaalinta u yimid sannadihii 1993-95-kii. Mar kale 2007 garoonku ayaa  isu badalay xero milatari xiligaasi oo ay ciidamo Itoobiyaan ah fadhiisin ka dhigteen. Mar danbe waxaa iyana ku wareegay Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa (AMISOM) oo hadda u ah mid kamid ah xerooyinkooda ugu weyn.

Mudadaasi ay xerada u ahayd ciidamadaasi kala duwan waxaa ay gaarsiiyeen burburkii ugu xoogga badnaa ee waligiisku dhaca, waxaana uu maanta u eg yahay goob duur ah oo lama degaan ah una muuqaal eg cidlada baadiyaha, geedo aad u waaweyn oo ay muddo qaadaneyso in la jaro ayaa garoonka ka dhex beermay, waxaana uu xilligan u baahan yahay shaqo weyn in laga qabto si mar kale uu dib ugu helo bilicsamidiisii luntay.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha DFS ayaa muddooyinkii danbe ku howlaneyd dadaallo la xiriira sidii dib gacanteeda ugu soo laaban lahayd garoonka, balse wali suurtagal ma noqon. Mar uu ka hadlayey dhismaha garoonka dhammaadka sannadkii tegay, RW Xasan Cali Kheyre ayaa yiri; ‘waxaan dhalinta Soomaaliyeed dib ugu fureynaa garoonka Stadium Muqdisho innaga oo iskaashi ballaaran la sameneyna ganacsatada Soomaaliyeed,’ wuxuuna hadalkiisa ku daray in bilaha Maarso iyo Febraayo ee 2018 in dhismo lagu bilaabi doona Xarunta Xisbiga oo ku dhegan garoonka, isaga oo halkaasi sheegay in ay noqon doonto hoyga iyo xafiiskiisa, laakiin taasi ma noqon mid hirgasha.

Intii aan ku guda jirey diyaarinta qormadaan, mararka qaar waxaan dareemayey mid ku dheeha qiiro fara badan, bal qiyaas shaqsi kusoo cayaaray ama daawade ka ahaa xilligii uu garoonku ahaa mid bad qabay marka uu arko meel ay ku sugan yihiin ciidamo, muxuu milcsan karaa? Iyada oo aan ognahay in gegidaan ay tahay goob loogu tala-galay in ay dhalinta Soomaaliyeed ku horumariyaan xirfaddooda oo aysan aheyn xera ciidan.

Garoonka Muqdisho Stadium ayaa ah garoonka ugu weyn oo uu heysto dalka waxaana dhibaatooyinka iyo guul-darrooyinka soo gaara xulka qaranka Soomaaliyeed loo aaneeyaa in xulka uusan heysan garoon ay si buuxda ugu marti gelin karaan kulamada saaxibtinimo oo ay la ciyaarayaan dalalka kale sida kuwa bariga Africa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa awoodi kara in si iskaa-wax-u-qabso ah ku dayactiraan garoonka waxayna rumeysan yihiin in haddii laga saaro ciidamada ay saamixi karto in heer wanaagsan ay tiigsadaan xulka qaranka Soomaaliya oo tan iyo markii uu burburku  dhacay aan heer fiican ka soo gaarin cayaaraha dibadda . Waxayna mararka qaar kulamada gurigooda ay ku ciyaari jireen wadamada deriska taasi oo niyad jab ku ah dhalinta  daafacaysa Calanka kuwaasi oo aan heli Karin taageero ku filan.

Qore: Mohamed Hassan Mohamed

Fariin-danabeed; Mohassan484@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -