Nin Cunsuri ah oo weeraray Masjidka Al Noor Islamic Center (Daawo Sawirada)

Booliska magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway ayaa maanta sheegay in weerar uu qof hubeysani Sabtidi ku qaaday masaajid ku yaalla nawaaxiga caasimadda loola tacaamulayo iskuday ficil argagxisio.

Weerarkaan ayaa looga shakisanyahay in ay ka danbeeyaan kooxaha midigta fog ee neceb dadka soo galootiga. Waxaana falka weerarka ku dhaawacmay qof ka mid ahaa jamaacadda masaajidka Al Noor.

Sii hayaha xilka taliyaha ciidanka booliska magaalada Oslo, Rune Skjold ayaa wariyaasha u sheegay in weerarka masaajidka Al Noor Islamic Center ay booliska u arkaan iskuday weerar argagixiso. Wuxuu intaasi raaciyay in hordhaca baaritaannka ay boolisku wadaan uu muujiyay in ninka rasaasta ku furay masjidka uu uu u muuqdo inuu ka tirsanyahay dadka xagjirka ah ee kasoo horjeeda muhaajiriinta.

Ninka weerarka geystay oo ku hubeesnaa qoryaha darandooriga u dhaca ayaa masjidka deegaanka Baerum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qorigana kula dhagay nin ka tirsanaa dadki ku tukanayay masaajidka kaasoo ay boolisku sheegeen inuu soo gaaray dhaawac fudud.

Booliska ayaa xiray qofka weerarka geystay oo ah nin dhalinyara ah oo u dhashay dalka Norway.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -