Ciidamo ka mid noqonaya Kumandoska Danab oo Tababar loo furay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle, waxa uu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Jeneraal Odawaa ayaa askartaan uu maanta tababarka u furay wuxuu kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada qaran ee loo carbinayo, waxa uu sidoo kale u sheegay in u diyaar garoobaan howlgalada dalka looga saarayo Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada milatariga ee ku sugan xerada ayaa sheegay in ciidankan diyaar u yihiin in ay qaataan tababar si ay qeyb uga noqdaan howlagalada dalka ka bilowday ee la doonayo in Al Shabaab meesha looga saaro.

Tababar maanta loo furay ciidankaan cusub ee milatariga kamid noqonaya ayaa ku soo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka uu Al Shabaab kula jiro dagaal culus oo dalka looga xoreynayo kooxdaasi.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -