Allbanaadir.com
MUQDISHO

DEG DEG: Ciidamada dowlada oo si buuxda ula waregay degaanka Wabxo & Al-Shabaab oo..

Ciidamada dowlada Somalia ayaa goor dhoweyd la wareegay Degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo dheer fariisin u aheyd kooxda Al-shabaab

Ciidamada la wareegay degaankaasi ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo kooban.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Raage iyo Saraakiil Kale ayaa horkacaya ciidamada galabta la wareegay degaanka Wabxo.

Xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaa degaankaas ayaa ka baxay ka dib iska caabin aan sidaa u weyneyn oo ay kala hortageen ciidamada DF.

Milatariga Somalia oo garab ka helay dadka deegaanka ayaa barqanimadii maanta la wareegay deegaanka Warxolo oo wax ka yar 17-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Wabxo.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada DF  ka wadaan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ee Al-shabaab looga saarayo degaanada ay mudada dheer a talinayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Messi iyo Mbabe: Yaa caawa la hoyan doonna koobka kubadda cagta Aduunka

Caydiid Ali

Madaxweyne Geelle oo shir deg deg ah iskugu yeeray Madaxda dalalka IGAD (Akhriso)

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Maslaxada Puntland waxey ku jirtaa soo Jeedinta Madaxweyne Deni”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---