Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal qorsheesan oo lagu dilay xubno badan oo Al Shabaab katirsan

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ciidamada NISA howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Galka Sabiibow ku dileen 21-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Howlgalkaan ayey sheegtay wasaaraddu in uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka ay heleen xogta koox Al Shabaab katirsan gaar ahaan jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta weeraro.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada NISA oo ahaa mid bartilmaameed ah uu u dhacay sidii loo qorsheeyay , waxa ayna xuseen in lagu burburiyay dhammaan kooxdii Al Shabaab ee halkaasi ku sugneed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo labo maamul ka dhigtay Baay iyo Bakool, Hogaan cusubna u magacawday

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Garawe ku laabtay iyo Axmed Karaash oo wax kasoo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir hore oo ku baaqay in la baaro Wada shaqeyn ka dhaxeysa Farmaajo iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---