Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

duuliyayaasha diyaarada Kenya Airways oo Shaqo joojin ku dhawaaqay iyo Sababta keentay

Urur ay ku mideesan yihiin duuliyayaasha diyaarada Kenya Airways ayaa ku dhawaaqay in ay sameenayaan shaqo joonin, waxaana jirta cabsi laga qabo in shaqo joojintaasi saameyn ku yeelatay duulimaadyadii diyaaradaha Kenya Airways sameen jireen.

Qoraal ay soo saareen ururka ay ku mideesan yihiin duuliyayaasha diyaarada Kenya Airways ayey ku sheegeen in shaqo joojin sameenayaan maalinta beri oo ku beegan Sabti si ay u muujiyaan cabsho ay qabaan.

Duuliyaasha diyaaradaha dalka Kenya ayaa ka careesan in ay dhag jalaq loo siin dalab ay jeediyeen oo ku aadanaa in shirkaddu dib u bilowdo wax ku biirinta sanduuqa lacagta la siiyo dadka hawlgabka ah.

Ururka duuliyaasha diyaaradaha Kenya Airways ayaa qoraalka ay soo saareen ku  sheegay in shaqaalahooda beri oo Sabti ah aysan soo xaadiri doonin garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Diyaaradaha shirkada Kenya Airways ayaa sameeya duulimaadyo kala duwan oo gudaha dalkaasi iyo dibadiisa, waxaana shaqo joojintan saameyn ku yeelaneysaa duulimaadyo badan ay diyaaradaha shirkada sameyn lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay iney soo daabaceyso lacag cusub

Caydiid Ali

Kurbada Caronavirus iyo Saameynta laga cabsi qabo in dadka Soomaaliyeed ku yeesho

Cabdi Cade

Labo Dowlad oo dalkooda oo ka masaafuriyey ku dhowaad milyan reer Afghanistan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---