Shirkii Dhuusamareeb oo saaka dib u bilowday iyo Axmed oo lagu soo celiyey

Shirkii Madaxda DF iyo Dowlad goboleedyada ayaa dib uga Furmay saaka magaalada Dhuusamareeb iyadoo ay dhamaan madaxdu u dhan yihiin sida wararku nagu soo gaarayaan.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Dani ayaa ku guuleystay inuu shirka ku soo celiyo Madaxwayne Axmed  Madoobe oo ma maqnaa shirkii xalay.

Inkastoo ay wada joogaan madaxda Soomaalida haddana macnaheedu ma ahan in la wada qanacsan yahay haddii aan qodobada la isku hayo oo ay ugu wayn tahay arrinta gobolka Gedo la xalin taasoo ah caqabada ugu weyn ee haatan ku hor gudban in shirku guuleysto.

Dhinaca kale, Waxaa jira cadaadis dhinacyada uga imaanaya beesha caalamka kuwaasoo dhinacyada lagu khasbaya in aanay shirka ka tagin ilaa heshiis la gaaro.

Dooda muranka gobolka Gedo oo inta badan u muuqata in ay xalisan tahay ayaa waxaa ka dhiman hal qodob oo ah in Axmed Madoobe uu helo Maamul dhamaystiran, waayo dooda in ciidamada laga soo qaado gobolka hadda miiska ma sĂ arna, laakiin in guud ahaan maamulka loo gacan galiyo ayuu doonayaa Axmed Madoobe sida ay sheegayaan ilo ku dhow shirka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -